Soomaalida Wararka

Guddiga tacliinta sare ee Soomaaliya oo la dhisayo

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare  ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda ay wado qorshe lagu dhisayo  guddiga tacliinta sare ee dalka.

Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in guddigan ay dib u habeyn ku sameyn doonaan tayada waxbarashada jaamacaddaha dalka, si loo hubiyo tayadooda.

Wasiirka waxbarashada dalka Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in sannadka 2020-ka ay ku rajo weyn yihiin in jaamacadda Ummadda ay  awood u yeelato in sannad kasta ay qaadato 10,000 oo ardey.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan la soo wareegtay 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir kuwaasoo hadda si lacag la’aan ay  wax uga bartaan ardey Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasaaradda waxbarashada  Soomaaliya ayaa diyaarisay islamarkaana qeybisay manhajka cusub ee fasalada koowaad ilaa afaraad.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s