Geeska Africa Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo sheegay mushaarka u qaato

Abiy Axmed Cali ayaa sheegay inuu 7 maalin joogo Xafiiskiisa, isla markaana uu bishiiba mushaar ahaan u qaato 300 oo Dollarka Maraykanka ah.

Hadalkaasi ayuu ka sheegay Qasriga Menelik Palace ee Addis Ababa, xilli uu wareysi siinayey Wargeyska The African Exponent.

Waxa kale oo uu sheegay inuu Xafiiska RW joogi doono 2 Xilli Doorasho, kadina ka degi doono Talada dalkaasi Itoobiya.

Waxa uu tilmaamay Abiy Axmed inuu Ku dheganaan doonin Madaxtinimada sida Madaxweynayaasha Sudan iyo Uganda ee muddada dheer haya Talada labadaasi dal.

Isaga oo sii hadlayay ayuu xusay inay 20 sanno halgan ugu jireen sidii dalkiisa loogu soo dabaali lahaa Dimuqraadiyada, wuxuuna ku faanay inuu yahay Hoggaamiyihii ugu horeeyey ee booqasho kormeer ah Ku soo mara kala-bar magaallooyinka ku yaalla Goballada Itoobiya..

Waa Mas’uulkii ugu horreeyay ee Afrikan ah ee sheega in mushaarkiisu uu yahay 300 oo Dollar,iyad aoo ay jirto in Wadamo badan ay lacago mushaar ah oo farabadan qaataan,isla markaan ay u sii dheer tahay qaadashada lacago kale oo aan xad laheyn.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s