Soomaalida Wararka

Xal la gaadhay cabashadii Ciidamadii Gadooday ee Puntland

Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa saaka oo Sabti ah xiray wadooyin muhiim ah, oo ku yaalla magaalada Garoowe, ee caasimadda Puntland, oo ay kamid yahay mid gasha Madaxtooyadda.

Ciidamada oo ka cabanaya mushaar la’aan mudo 7 bilood ah, ayaa hakad geliyay dhaq-dhaqaaqii dhowr xaruumo dowladeed, Wasaaradoo iyo Aqalka Madaxtooyadda, iyagoo celiyay gaadiidka iyo dadweynaha.

Taliyaha Ciidanka xasilinta gobolka Nugaal Muxyadiin Axmed Muuse iyo Saraakiil kale ayaa ku qanciyay Ciidanka inay furaan wadooyin, iyagoo u balan qaadey in sida ugu dhaqsiyaha badan loo siinayo mushaarkooda iyo xuquuqda kale ee ka maqan.

Gadoodka ciidanka Madaxtooyadda Puntland ee mushaar la’aanta ah mudada ku dhaw halka sano, ayaa kusoo aadaya iyadoo maanta la filayo inay Garoowe soo gaareen madax sare oo ka qeyb-galaya Shirka Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s