Caalamka Wararka

Dilka Khashogji : Beesha caalamka oo Faahfaahin dheraad ah ka sugaysa Sacuudiga 

Sacuudi Carabiya ayaa waxaa soo foodsaaray culays ku aaddan in ay faahfaahin dheeri ah ka bixiso geeridii qoraagii dalkaas u dhashay Jamal Khashoggi.


Wasiirka Britain u qaabilsan ka bixitaanka Midowga Yurub Dominic Raab
ayaa faahfaahinta Sacuudigu bixiyey kaga jawaabay: ” U malayn mayo in la rumaysan karo. Waxaanu taageeraynaa baadhitaanka uu Turkigu wado xukuumadda Britain-na waxay doonaysaa in lala xisaabtamo ciddii dilka ka dambaysay”

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu soo dhaweeyey mawqifkii Mr Trump ee ahaa in tallaabo laga qaado Sacuudi Carabiya.

Mr Raab ayaa yiri: ” ma doonayno in aan gacmaheenna cirka utuurno oo aan joojinno xiriirka aan laleenahay Sacuudi Carabiya, ma ahan oo kaliya shaqooyinka faraha badan ee Birtain oo ku xiran Sacuudiga balse sidoo kale waa inaad culays ku saari kartaa bah wadaagtaada aad u baahan tahay sidii aad ula hadli lahayd”

Sabtidii, Mr Trump ayaa yidhi: “Ma qanacsani ilaa aan jawaabta ka helayno.”

Balse madaxweynaha Maraykanka ayaa yiri, inkastoo cunaqabatayn lagu soo rogo Sacuudiga ay suurto gal tahay, haddana hakinta heshiiska hubka “Annaga ayay wax na yeelaysaa in kabadan inta ay ayaga waxyeelayso”

Wasiirka Maaliyadda Maraykanka Steven Mnuchin ayaa Axadda maanta ah ku celiyey, asagoo sheegay in arrinta cunaqatayntu ay tahay “Mid aan wali la gaarin”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada Chrystia Freeland ayaa tiri ” faahfaahinta uu Sacuudigu soo gudbiyay maahan mid la qaadan karo oo la rumaysan karo”

Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa codsatay daahfurnaan, wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa soo jeediyey su’aalo aan cidina ka jawaabin ayadoo Ra’isul Wasaaraha Australia-na uu yiri “Maahan waxaas wax la qaadan karo, wax dhici karana maahan”

Diblumaasiga Midowga Yurub Federica Mogherini iyo Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa labaduba sheegay in lala xisaabtami doono ciddii falkaas masuulka ka ahayd.

Ururka Xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa faahfaahinta Sacuudiga ku tilmaamay marin habaabin iyo ” Shirqool foolxun”

Wargayska The Washington Post, oo daabici jiray qoraallada Mr Khashoggi, ayaa sheegay in xukuumadda Sacuudigu ay ” Si ceeb ah ugu celcelinayso been ay been kale kasii dambayso”

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s