Geeska Africa Wararka

Itoobiya oo hirgelinaysa nidaamka codbixinta doorashooyinka ee electronic-ga ah

Dalka Itoobiya ayaa markii ugu horreysey laga hirgelin doonaa nidaamka doorashada electronic-ga ah, sida uu shaaciyey Guddiga Doorashooyinka Itoobiya (NEBE).

Afhayeen u hadlay guddigaas oo lagu magacaabo Tesfalem Abay ayaa u sheegay wakaaladda wararka FANA, in qorshahani uu qayb ka yahay isbedello muhiim ah oo lagu sameeyey guud ahaan nidaamka doorashooyinka ee Itoobiya.

Tesfalem Abay ayaa dhinaca kale xusay in tallaabada ugu horreysa ee la qaadayo si loo suurageliyo doorasho ku dhacda hab electronic ah ay tahay in marka hore codbixiyeyaasha loo diiwaan geliyo habka casriga ah ee dad-dhigista (BVRS).

Qorshahan ayaa qayb ka ah isbedellada ay waddo xukuumadda uu hormuudka u yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmad, wuxuuna kusoo aadayaa xilli sannadka 2020 dalka Itoobiya isu diyaarinayo doorashadii ugu horreysay ee la filayo in ay noqoto mid ku dhacda si xor iyo xalaal ah.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s