Soomaalida Wararka

Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Oo Ka Furmay Garoowe

Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa goordhow ka furmay Shirka afaraad ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada dalka ka jira ay ku yeeshaan Garoowe.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda maamul Goboleedyada, sida Madaxweynaha Galmudug,Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ,Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha Puntland oo marti gelinaya Shirka,waxaana ka maqan Madaxweynaha Hirshabeelle,kaasi oo oo horey heshiis ula galay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Qodobada looga hadli doono Shirka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada ayaa kamid ah Siyaasadda guud ee dalka, iyo Hiigsiga doorashada 2020 iyo arrimo kale.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa shalay gaaray Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Shariif Xasan Sheekh Aadan,Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa maanta aad loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka Magaalada la dhigay Ciidamo gaar ah oo ka qeyb qaadanaya sugida Amniga Magaalada.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s