Soomaalida Wararka

Garoowe : Wararkii ugu Dambeeyay Ee Shirka Golaha Iskaashiga

Waxaa Maalintii labaad ka socda Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada kaas oo ahaa kii Afaraad.

Shirka oo ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland oo martigelineysa ayaa shalay waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen Siyaasadda Arrimaha Dibadda,amniga iyo qodobo kale.

Shirka oo Maalintii labaad galay ayaa si lamid ah waxa ay Maanta uga doodi doonaan qodobadii shalay, waxana jira dood xasaasi ah oo ay yeelan doonaan Golaha maadama shirkaas Maalinta berito ah la soo gaba gabeyn doono.

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa shalay khudbadihii ay jeediyeen waxa ay aad u dhaliileen dhamaantood Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo siweyn uga hadlay tabashada ay ka qabaan.

Maalinta berito ah oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in shirkaasi la soo gaba gabeeyo,isla markaana qodobo laga soo saaro wallow ay macquul tahay in waqti dheeri ah in uu qaato.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s