Soomaalida Wararka

Itoobiya iyo ONLF oo heshiis kala saxiixday 

Magaalada Asmara ee dalka Eritrea waxaa heshiis ka kooban saddex qodob ku kala saxiixday dowladda federaalka Itoobiya iyo jabhadda ONLF.

Wasiirada arriimaha dibadda Dr Workneh Gebeyehu iyo maaliyadda Axmed Shide iyo madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, ayaa dhanka dowladda federaalka Itoobiya ku matalayay heshiiskan, halka Jabhadda ONLF ay ka socdeen, gudoomiyaha ONLF Maxamed Cumar Cismaan iyo xoghayaha guud ee ururka Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi.

Afhayeenka ONLF Cabdiqaadir Xassan Hirmooge ayaa sheegay in dood dheer kadib labada dhinac ay ku heshiiyeen qodobada kala ah in colaadda la joojiyo iyo in ONLF ay sii wadan karto halgankii iyo ujeedooyinkii ay u halgamaysay si nabad ah iyo la dhiso guddi ka kooban labada dhinac.

Jabhadda ONLF ayaa muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda federaalka Itoobiya iyadoo dagaallo galaftay nolosha dad badan labada dhinac ay ku dhaxmareen dhulka Soomaali Galbeed.

Baarlamanka Itoobiya ayaa liiska argagixisada ka saaray jabhadda ONLF, OLF, Gimbot 7 iyo kuwa kale oo ka dagaalami jiray Itoobiya iyadoo hadda dowladda ay inta badan heshiis nabadeed la saxiixatay jabhadahan.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s