Caalamka Wararka

Xaggee marayaa baadhitaankii dilka Khashogji?

Turkiga ayaa Sabtidii sheegay in uu soo bandhigi doono dhammaan caddaymaha uu hayo oo aanu waxba qarin doonin.

Turkigu wuxuu yara joojiyey eedayntii tooska ahayd ee uu Sacuudiga ku eedaynayey dilka, balse baarayaasha kiiska ayaa sheegay in ay hayaan caddaymo isugu jira cod iyo muqaal muujinaya in Mr Khashoggi ayqunsuliyadda ku dhex dileen koox katirsan sirdoonka Sacuudiga.

Su’aasha ugu wayn ee Mr Khashoggi saaxiibadiis iswaydiinayaan ayaa ah, meeyey maydkiisii?

Booliiska ayaa ka baadi goobaya kaynta Belgrad oo aaggaas kadhow kuna dhextaal Istanbul halkaas oo ay rumaysan yihiin in maydkii loo qaaday ayadoo mid kamid ah saraakiisha baadhitaanka wada uu ku rajo wayn yahay in goor aan dheerayn la ogaan doonoo halka uu ku dambeeyey.

Dhismaha qunsuliyadda iyo hooyga qunsulka ayaa sidoo kale laga baaray.
Hadalka Sacuudiga ayaa is badbaddalay dhowr jeer, markii hore wuxuu sheegay in Mr Khashoggi uu ku dhintay ciijin kadib markii uu iska caabiyey iskuday lagu doonayey in dalkiisii Sacuudi carabiya lagu celiyo. Wuxuu kaloo sheegay in maydkiisii roog lagu duubay oo loo dhiibay caawiye dalka Turkiga u dhashay, si uu usoo aaso.

Kadib waxaa soo soo baxday warar sheegaya in qof dharkii Mr Khashoggi xirtay oo asaga isu ekaysiiyey uu qunsuliyadda ka baxay.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s