Geeska Africa Wararka

Orodyahankii dibad baxa ka dhigay Ciyaarihii Rio oo dib ugu laabtay Itoobiya

Orodyahankii Itoobiya u ordi jiray orodada dheer ee Maaratoonka ayaa dib ugu soo laabtay dalka Itoobiya kadib markii madax ma tirsan gudiyada ciyaaraha Itoobiya ay ballan qaadeen in aan la xiri doonin.

Feyisa Lilesa ayaa qabsaday shaashadaha caalamka ciyaarihii orodada Maaratoonka ee lagu qabtay Baraaziil isagoo soo bandhigay calaamad uu kaga soo horjeeday dowladda ka jirtay Itoobiya.

Orodyahaankan ayaa dib uga soo laabtay dalka Mareykanka bilooyin kadib markii uu Itoobiya raiisul wasaare ka noqday hogaamiyaha isbedel doonka ah ee Abiy Axmed.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Itoobiya iyo madax kale ayaa orodyahanka kusoo dhoweeyay garoonka caalamiga ah ee Bole ee magaalada Addis Ababa.

Orodyajan Feyisa ayaa ku tilmaamay dowladda ka jirta Itoobiya in ay tahay mirihii halgankii shacabka wax uuna intaas ku daray in uu rajeynayo in dowladdu ay ka shaqeyn doonto danaha shacabka Itoobiya.

Orodyahanka oo tartannadii lagu qabtay Brazil ku guuleystay abaalmarinta qalinka ayaa muujiyay in uu la safanyahay dibad baxayaasha kasoo jeeda gobolkiisa Oromiya, waxa uu kal hore sheegay in uu ka baqayay xarig ama dil in lagula kaco hadii uu dalka dib ugu soo laabto.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s