Geeska Africa Wararka

Itoobiya Oo Markii Ugu Horeysay Dayax Gacmeed Hawada U Direysa

War ka soo baxay Dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Addis-ababa ay sanadka 2019 hawada sare ay u diresyo dayax-gacmeedki ugu horreeyey oo uu dalkaasi yeesho, sida xaqiijiyaya xafiiska isgaarsiinta ee dalka Itoobiya waxaa talaabadan iska kaashaday khubaro ka kala socoda Shiinaha iyo Itoobiya.

Dr Selemon Belay oo isagu ah hoggaanka machadka qaabilsan arrimaha teknooljiyadaha ee dalkaasi Itoobiya ayaa ku tilmaamaya talaabadan sameynta dayax gacmeedkan inuu yahay horumar, islamarkaana uu heer geba gebo ah haatan marayo.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Dayax-gacmeedkan cusub loo adeegsan doonaa dabagalka iyo uruurinta xogaha la xiriira beeraha, biyaha, macdinta iyo horumarinta magaalooyinka, waxaa sidoo kale ay dowladdu sheegtay in si rasmi ah loo dirayo 2019.

Talaabadan ayaa ka dhigaysa dalka Itoobiya in uu kamid noqdo wadamada Afrika ee Dayax-Gacmeedka Hawada sare u diray, iyadoo ay jiraan wadamo ka horeeyey waxaana kamid ah DowladahaMasar, Koonfur Afrika, Kenya, Angola, Nigeria, Ghana, waxaana dayaxgacmeedkan la sheegay in awoodiisu ay dhantahay in 54 maalmood uu ku koobon dunida oo dhan, halka Itoobiyana uu ku imaankaro oo qura 4 maalmood gudahooda.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s