Caalamka Wararka

Istanbuul : Shir looga hadlayo xaaladda Suuriya oo ka furmaya

Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaa maalinta beri ah oo sabti ah ka furmaya shir looga hadlayo xaaladda dalka Suuriya gaar ahaan magaalada Idlib.

Shirkan ayaa waxaa marti galinaya madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan, waxana ka qeyb galay madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb gali doona wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Suuriya Staffan de Mistura.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa colaadda ka jirta dalka Suuriya, heshiiska Idlib iyo dadaalka loogu jiro sidii xal loogu heli lahaa colaadda Suuriya.

Arrimaha kale ee shirkan xoogga lagu saari doono ayaa waxaa ka mid ah heshiiskii 17-kii bishii September dhaxmaray dalalka Turkiga iyo Ruushka kaasoo ku saabsanaa xaaladda magaalada Idlib.

Dalka Suuriya ayaa waxaa sannadkii 2011- ka bilowday banaabaxyo looga soo horjeedo dowladda Bashiir Al Asad,iyadoo markaas kadib ay soo ifbexeen kooxo mucaarad ah oo uu kamid yahay ururka Daacish kuwaasoo  dagaal la galay dowladda Suuriya.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s