Soomaalida Wararka

Jigjiga : Booliska magaalada Jigjiga oo qabtay gawaari rasaas lagu soo raray

Booliska magaalada Jigjiga ee xarunta Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa gacanta ku dhigay gaari nooca xammuulka qaada ah oo rasaas lagu soo raray, sida uu xaqiijiyey Ku-xigeenka Waaxda Dakhliga iyo Cashuuraha ee Jigjiga, Axmad Maxamad Mahad.

Isagoo la hadlayey laanta afka-Soomaaliga ee Idaacadda BBC, wuxuu sheegay in gaariga markiisii hore loo soo qabtay kiis ahaa inuu cashuurta lasoo baxsaday, balse markii rarka laga dejiyey kaddib, ay boolisku ka dhex heleen rasaas wadarteedu gaareyso 2,500 oo xabbo.

“Gaariga waxaa saarnayd alaab aan la cashuurin sida ay u badnayd…waxa ku dhex jirtay waxoogaa rasaas ah…rasaastaasi waxay ahayd 2,500 oo firin [xabbo].” ayuu yiri isagoo xusay in 1,600 oo xabbo oo rasaasta kamid ahi ay tahay nooca loo adeegsado qoriga AK-47.

Ku-xigeenka Waaxda Dakhliga iyo Cashuuraha ee Jigjiga, wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada boolisku qabteen gaari kale oo isagana rasaas 100 xabbo ah laga helay. Taas isaga oo sharraxaya waxaa hadalladiisii kamid ahaa

“Waxaa iyaduna jirta boqol midh oo rasaas ah oo gaari kale meel kaga jirtay oo laga soo saaray…waa baabuurtii shacabka oo wax lagusoo dhex qoriyey uun mooyee gaari kale oo inta lasoo hubeeyey si kale u baxsanaya ma ahan.”

Mar wax laga waydiiyey cidda iska leh hubkan iyo meesha uu ka yimid, wuxuu sheegay inay u badinayaan in uu kasoo galay dhinaca xuduudka Soomaaliya, maadaama wixii ka dambeeyey rabshadihii August ciidamada Deegaanka Soomaalidu ay xuduudka soo faarujiyeen. Wuxuu sidoo kale sheegay, in tuhunka ugu weyn laga qabo in hubkani u socday qabaa’illo maalmihii lasoo dhaafay ku dagaallamay qaybo kamid ah Deegaanka Soomaalida.

“Rabshadihii wixii ka dambeeyey, xuduudku wuu bannaan yahay. Intani waa inta ugu yar ee aan aragno laakiin waxan aaminsannahay kuwo badan oo kale inay galeen” ayuu yiri isaga oo ku daray “Qabaa’illadu hub ay isu soo qaadanayaan baan u aragnaa ee wax sii weyn oo amniga ama ciidamada dowladda lagu weerarayo uma aragno”

Mulkiileyaasha iyo dareewallada labada gaari waxaa xilligan gacanta ku haya baarisna ku wada laamaha ammaanka, waxayna haddii dambiga loo haysto uu ku caddaado mudan doonaan xabsi muddadiisu tahay 10-15 sano, sida uu dhigayo xeerka ciqaabta ee Dowladda Federaalka Itoobiya.

Hub iyo rasaas tiro badan ayaa soo galay gobollada Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya, laga soo bilaabo markii ay dowladda Itoobiya liiska argagixisada ka saartay jabhadaha OLF iyo ONLF, iyadoo xilligaas wixii ka dambeeyey kumannaan dagaalyahan oo jabhadahaas ka tirsani hubkooda iyagoo wata ay dib deegaannadooda ugu soo laabteen.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s