Geeska Africa Wararka

Raiisul wasaare Abiy Axmed oo booqanaya dalal ka tirsan Yurub

Raiisul wasaaraha dowladda federaalka Itoobiya ayaa saakay u ambabaxay dalka Faransiiska, safarkiisan ayaana qeyb ka ah booqashada uu ku marayo dalal kamid ah qaaradda Yurub.

Inta uu Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ku sugan yahay Paris waxaa uu la kulmi doonaa Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron.

Kadib marka ay soo dhamaato booqashada Raiisul wasaaruhu uu ku joogo Faransiiska waxa uu usii gudbi doonaa dalka Jarmalka halkaasi oo uu kula kulmi raiisul wasaaraha dalka Jarmalka Angel Merkel iyaga oo ka wada hadli doonaan arrimaha ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale raiisul wasaare Abiy Axmed ayaa dalka Jarmalka kula kulmi doona 25,000 oo Itoobiyaan ah kuwaa oo ka kala yimid dalal kala duwan oo ku yaalla qaanadda Yurub.

Booqashada ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa loogu magac daray “Aan u istaagno sidii wadajir ugu dhisi laheyn mustaqbalkeenna” raiisul wasaaraha ayaana casuumaad rasmi ah ka helay madaxda labadaas dal.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s