Soomaalida Wararka

Dib u dhis lagu sameynayo doono Xarumaha ciidamada xoogga dalka

Taliyaha ciidamada xoogga dalka generaal Daahir Aadan Cilmi ( Indha-qarshe) iyo abaandulaha ciidamada xoogga dalka generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta kormeer ku tagay xarumo ciidamada ku leeyihiin degmada Deyniile ee gobolka Banaadir kuwaasoo ku burburay dagaaladii Muqdisho.

Generaal Daahir ayaa sheegay in dib u dhis lagu sameyn doono xarumahan maanta uu kormeeray.

“Waxaan qorsheyneynaa in dhammaan xarumaha ciidamada xoogga dalka dib u dhis lagu sameeyo, si shaqadii lagu qaban jiray loo dardar geliyo” ayuu yiri taliyaha ciidamada xoogga dalka generaal Daahir Aadan Cilmi.

Xarumaha ciidamada xoogga dalka ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa waxaa xiligan ka muuqda burbur xoogan oo ka soo gaaray dagaaladii dalka ka dhacay.

Dowladda federaalka oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka ayaa dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa tayada ciidamada xoogga dalka dib u dhisna loogu sameyn lahaa.

Ciidamada xoogga dalka ayaa la qorsheynayaa in ay la wareegan ammaanka dalka marka la gaaro waqtiga ciidamada AMISOM ay ka baxayaan Soomaaliya.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s