Soomaalida Wararka

Sawirro : Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shirweynaha Midowga Isgaarsiinta Aduunka

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya shirweyaha caalamiga ururka ee Midowga Isgaarsiinta Aduunka oo ka dhacaya magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Shiikh Axmed iyo xubin sare oo ka tirsan Guddiga Sare ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa kamid ah wafdiga la socda Wasiirka boostada ee ka qeyb galaya shirka.

Ururka Midowga Isgaarsiinta Aduunka ayaa afartii sanaba mar shira iyadoo shirkaasina lagu doorto Hogaamiyaha guddoomin doona Midowga Isgaarsiinta Aduunka Afarta sano ee soo socota, waxaa sidoo kale lagu dajiyaa qorshayaasha isgaarsiinta aduunka.

 Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka qeyb galeysa doorashada Guddoomiyaha Ururka Midowga Isgaarsiinta Aduunka maadaama Soomaaliya ay soo ceshatay xuquuqda codeynta oo ay kaga qeybgali karto doorashadan.

Daba-yaaqadii sanadkii hore ayaa la ansixiyay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka waxaana bilowgii sanadkan la dhisay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ah hay’adda sida tooska ah ula shaqeysa Midowga Isgaarsiinta Aduunka.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s