Soomaalida Wararka

Sawirro : Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo Muqdisho ku kala saxiixday 80$ milyan

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo bangiga Adduunka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday 80 milyan oo dollar oo lagu fulinayo mashaariic horumarineed.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya , Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo agaasimaha Bank-ga adduunka ee bariga Afrika, Bella Bird ayaa heshiiskan saxiixay maanta.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in bangiga Adduunku uu aad usoo dhaweeyay sida dowladda  ay uga shaqeeysay hannaanka dayn cafinta kadibna ay go’aansadeen in lagu abaal mariyo $140 Mliyan oo $80 Milyan oo kamid ah guddiga sare ee bank-ga adduunku uu dhawaan ansixiyay.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dadka Soomaaliyeed sida buuxda ee ay uga qayb qaateen dadaallada dib-u-hagaajinta dhaqaalaha dalka, waxa uuna shaaciyay hadii dadaallada ay dawladdu wado lasii dardar-geliyo in lagu tillaabsanayo horumar intaan ka ballaaran.

Agaasimaha Bank-ga adduunka ee Bariga Afrika, Bella Bird ayaa munaasabadda lagu saxiixay heshiiska ka sheegtay in Bangiga  adduunku uu aad u bogaadinayo dawladda Soomaaliya sida ay xil isaga saartay horumarinta dhaqaalaha iyo geedi socodka hannaanka dayn cafinta.

Wasiir  Bayle ayaa sheegay in heshiiska maanta iyo heshiiskii dhawaan dawladdu la saxiixatay Midowga Yurub in ay muujinayaan dadaalka xoogga badan ee ay dawladdu ay ku doonayso in ay dib ula fal-gasho caalamka.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s