Soomaalida Wararka

Xildhibaannada aqalka sare oo ansixiyey hindisa sharciyeedka khayraadka biyaha

Xildhibannada Aqalka Sar ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha iyo sameynta hay’adda mareynta biyaha qaranka.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda tamarta iyo Kheyraadka  biyaha Cismaan Libaax Ibraahin  oo goob joog ka ahaa kulanka ayaa xildhibannada ka codsaday inay meel mariyaan hindise sharciyeedkan.

Cismaan Libaax Ibraahimayaa xildhibannada aqalka Sare u sheegay in sharcigan inuu howlo badan uga xiran yahay wasaaradda.

Guddoomiyaha aqalka sare  Cabdi Xaashi Cabdulahi oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in xildhibannada cod gacan taag ah ay ku meel mariyeen  hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha iyo sameynta hay’adda mareynta biyaha qaranka.

“Xildhibannada aqalka sare sharcigan cod gacan taag ah ayay u qaadeen, waxaa ogolaatay 29 xildhibaan oo kulanka joogay , ma jirto cid diiday, ama ka aamustay” ayuu yiri guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulahi.

Hindise sharciyeedka Kheyraadka biyaha iyo sameynta hay’adda mareynta biyaha qaranka ayaa waxaa horey u soo ansixiyay xildhibannada golaha shacabka iyadoo kadibna loo gudbin doono madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo si u ansixiyo.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s