Caalamka Wararka

Barack Obama oo weerar afka ku qaaday madaxweyne Trump

Madaxweynihii horre ee waddanka Mareykanka Brack Obama ayaa weerar afka ku qaaday madaxweyne Donald Trump, isagoo ku eedeeyay in uu abuurayo nacayb loo qaado dadka soo galootiga ah.

Obama oo ka hadlayey fagaare uu xisbigiisa ku qabsaday Florida, ayuu ku tilmaamay wax lagu qoslo hadallada xisbiga Jamhuuriga ee ah in dadka soo galootiga ee ka soo lugeenaya Laatin Amerika ay khatar ku yihiin waddanka Mareykanka.

Obama oo taageerayey musharrixiinta xisbiga dimuquradiga ayaa dadka ugu baaqay inay u codeeyaan si ay soo celiyaan barnaamijkii daryeelka caafimaadka ee guulaha waaweyn ka soo hoyiyay xilligiisii.

Mr. Obama ayaa ka digay hadallada madaxweyne Trump kuwaasoo uu sheegay in ay u badan yihiin kuwa xanaf leh oo dadka lagu kicinayo.

Obama ayaa qorshe qiyaamo ku tilmaamay qorshaha Trump uu wato ee ah in ciidamo badan la geeyo xadka dalkiisa uu la lee yahay xadka Mexico, halkaasoo la sheegayo in ay soo gaareen dad badan oo soo galooti ah.

Ololaha doorashada dhexe ayaa ka socota waddanka Maraykanka, taasoo la qaban doono maalinta Talaadada ee soo socota.

Trump ayaa sheegay in jamhuuriga uu doonayo in dalka laga mamnuuco kooxaha falal dambiyeedyada ka geesta waddanka Maraykanka.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s