Soomaalida Wararka

Dowlad goballeedyada oo ka hadlay jahwareerka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed

Golaha iskaashiga maamul goballeedyada ayaa walaac ka muujiyay jahwareerka siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo soo dhaweeyay is casilaadda xubnaha guddiga doorashada kuwaasoo ka badan 10 xubnood.

War-qoraal ah oo ka soo baxay golaha iskaashiga maamul goballeedyada, ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay fargalin ku heyso doorashada maamulka Koonfur Galbeed oo lagu wado in ay dhacdo 17-ka bishan.

Golaha iskaashiga maamul goballeedyada ayaa baaq u diray beesha caalamka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed si ay ula socdaan faragalinta ay sheegeen in dowladda ku heyso doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

In ka badan 10 xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa is casilay, iyagoo iscasilooda ku sababeeyay faragalin dowladda federaalka ay ku heyso shaqadooda.Dowlad goballeedyada

Halkan Hoose ka akhriso warka qoraalka ee golaha iskaashiga maamul goballeedyada.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s