Soomaalida Wararka

Ururo dhallinyaro oo markii ugu horraysay laga hirgaliyay Jigjiga

Magaalada Jigjiga ee xarrunta dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya, ayaa markii ugu horraysay laga aasaasay ururo dhallinyaro, oo si iskaa wax u qabso uga qayb qaadanaya adeegyada bulshada, sida daryeelka carruurta danta yer iyo kuwa darbi-jiifka ah, kor u qaadista fanka iyo naadiyada wax akhriska.

Ururadaasi waxaa ka mid ah ururka Midnimo, oo la aasaasay bishii Septemper sannadkan, isla markaana dhawaan agabka waxbarashada u qaybiyay illaa iyo 150 arday ah oo wax ka barta dugsiyada hoose iyo dhexe ee magaalada Jigjiga.

Cabdifataax Axmed oo ka mid ah aasaasayaasha ururka Midnimo, oo Idaacadda VOA la hadlay ayaa sheegay in aasaaska ururkan ay ku timid fikrad uu lahaa wiil dhallinyaro ah oo hadda deggan dalka Sweden.

“Aaska ururka waxaa lahaa wiil dhallinyaro ah oo xilligan ku sugan dalka Sweden, kaasoo lagu magacaabo Cabdikariin Khadar, isagoo lasoo xiriiray dhallinyaro deeganka oo deggan Jigjiga, waxaana markii dambe aragtidiisa ay noqotay in aan qaadano,”

waxaana Magaalada Jigjiga ayaa bilihii u dambeeyay waxaa laga dareemayey olole ay wadaan dhallinyarada kuwaasoo dhisanaya ururo dhallinyaro ah oo magaalada horrey uga jirin.

Khadra Jibriil oo ka mid ah ururka Midnimo ayaa sheegay in ururkooda uu diiradda saaro dadka danta yer gaar ahaan carruurta darbijiifka iyo kuwa saboolka ah.

Ma la waydiiyay cidda ku gacan siineysa howshan, waxa ay sheegtay in ay gacan siiyaan dhallinyaro dibadda ku nool iyo madaxda dowladda deeganka.

Lahaanshaha sawirka Cumar Seerbiya

Waxa ay sheegtay in mardhow ay sameen doonto xarrumo lagu daryeelo carruurtaas isla markaana lagu kafaalo qaado.

Horrey ugama aaney jirin ururo dhallinyaro magaalada Jigjiga iyo guud ahaan dowlad deeganka Soomaalida, oo la mid ah kuwa ka jira dalka Soomaaliya, waxaana arrintaas loo sababeenayaa isbaddalka ka dhacay dowla deeganka Soomaalida iyo guud ahaan waddanka Itoobiya.

Ururka Midnimo kaliya kama jiro magaalada Jigjiga ee waxaa jira ururo kale ay ku bahoobeen dhallinyarada deeganka Soomaalida Itoobiya.

Ururadaas waxaa ka mid ah Curis, Hayaan, Gorof iyo kuwa kale oo hadda gacanta lagu hayo oo la rabo in dhawaan lagu dhawaaqo, sida ay sheegtay Khadra Jibriil.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s