Soomaalida Wararka

Cabdi Maxamuud Cumar oo Mar kale Maxkamad lasoo taagayo

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno la xidhan oo xukumaddiisii ka mid ahaa ayaa Maanta mar kale maxkamaddu amartay in xabsiga lagu sii hayo, ayadoo sidaas ay jirto, ayaa warar waxay sheegayaan in isla maanta la amray in berrito oo Jimco ah maxkamad la hor geeyo.

Ma cadda sababta isbeddelkan degdegta ah loo sameeyey, hase yeeshee maxkamaddan ayaa la sheegayaa inay ka duwanaan doonto darajo ahaan tii la geeyey afartii goor ee hore.

Iluhu waxay sheegayaan inay kaga duwanaanayso qaabka dacwad qaadidda, ayadoo ay dhegeysiga kiiska ku lug yeelanayaan xeer ilaalinta, iyo xubno ka socda wasaaradda cadaaladda oo aan maxkamadihii hore ku lug lahayn.

Waxaa kale oo iyagana soo baxay warar ku saabsan in markhaatiyaal la horgeyn doono markii ugu horraysay maxkamadda, halka qaar kalena “ay diideen inay maxkamadda horteeda ku marag furaan Cabdi Maxamuud Cumar”.

Cabdi Maxamuud Cumar oo lagu eedeeyey falal ay ka mid yihiin dil, dhac, hanti lunsasho, asaasida ururo dhib geystay iyo baalmarida Dastuurka Itoobiya ayaa kasoo muuqday Maxkamadda Federaalka Itoobiya, ee saldhigeedu yahay magaaladda Addis Ababa.

Waxa mar kale la hor keeni doona maxkamadda 22 November waxaana baadhitaankooda sii wadanaya booliska laakiin, marar badan ayaa rumaan ahaan xabsiga in lagu sii hayo la amray kadib markii boolisku dalbaday in ay wali baadhis wadaan.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s