Soomaalida Wararka

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Waxaa sii kordhay dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarro  is-xigxigay oo shaley galabtii ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka isgoyska KM4.

Inta la ogyahay 30 qof ayaa ku dhintay ku dhawaad 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen, qaraxyadaas oo ahaa illaa saddex sida laga soo xigtay hey’addaha ammaanka iyo kuwa caafimaadka.

Qaraxyadan oo baabuur loo adeegsaday ayaa mid ka mid ah la sheegay in lagu dhuftay albaaka  hotelka caanka ah ee Saxafi, midka kale ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Hotelka iyo Xartunta Dambi Baarista ee Ciidamada Booliska Soomaaliya ee CID, halka kan sadexaad uu ka dhacay wado yar oo ku taala dhabarka dambe ee Hotelka Saxafi.

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in dhammaan la dilay dadkii soo weerarray hotelka.

Sidoo kale, dowladdu waxey sheegtay in dhamaan dadkii hotelka Saxafi gudihiisa ku jiray la soo badbaadiyay.

Wararkii ugu dambeeyay qaraxyadii lagu weerarray Muqdisho

Goob joogayaasha ayaa sheegay in dadka dhintay badankood ay ahaayeen dad rayid ah oo isugu jiray kuwa jidka marayay, kuwo saarnaa bajaajyo, caasiyo iyo baabuur kale oo wada mareysay marka ay qaraxyadu dhacayeen iyo kuwo meesha marayay.

Dhinaca kale, ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadii shaley ka dhacay magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab waxaa kaloo ay sheegeen in bartilmaameedka uu ahaa hotelka Saxafi oo ay ku jireen saraakiil ka tirsan dowladda iyo mas’uuliyiin kale.

Waa markii ugu horraysay ee seddex gaari oo qaraxyo sida mar qura lagu weerarro goob ku taalla Muqdisho.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s