Caalamka Wararka

Amnesty International oo abaalmarintii kala noqotay Madaxweyne Aung San Suujii

Hay’adda xuquuqul insaanka caalamiga ah ee Amnesty International ayaa abaalmarinta ugu sarreeysa ee ay bixiso kala noqotay madaxweynaha Barma, Aung San Suu Jii kadib markii lagu eedeeyay in ay gabood fallo iyo khiyaano kula kacday mabaadi’dii ay usoo dagaallantay.

Xoghayaha guud ee Amnesty International, Kumi Naido ayaa 11-kii bishan warqad gaarsiiyay madaxweynaha Burma Aung San Suujii taasoo xambaarsanayd farriin sheegeysa inay kala noqdeen abaalmarintii la guddoonsiiyay sanadkii 2009-kii.

“Hadii aynu nahay guddiga Abaalmarintii Safiirka damiirka ee Amnesty International wax aanu rajeynaynay in aad sii wadi doonto in aad damiirkaaga uga hadasho cadaalad darrada meel walbood ku aragto, ugu yaraan cadaalad darrada ka dhaceysa Mayanmaar” ayaa lagu yiri warqadda ay soo saartay Amnesty International.

“Maanta waxa aynu ka dhawaaqeynaa in aan waxba kama jiraan kasoo qaadnay abaalmarintii aannu ku guddoonsiinay, hadda wixii ka danbeeya astaan uma tihid rajada, dhiirannaanta iyo difaaca xuquuqda aadanaha, Hay’adda Amnesty ma sii wadi karto inaad sii ahaato qof ku guuleystay abaalmarintan, inaga oo ka xun waanu kaala noqonay abaalmarintan” ayaa la sii raaciyay.

Tan iyo markii ay Aung San Suujii ay Madaxweyne ka noqotay Mayanmaar bishii Abriil 2016-kii waxa uu maamulkeedu geystay gabood fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Dhowr jeer ayay Amnesty canbaareysay sida ay Aung San Suujii ay ugu guul dareysatay in ay ka hadasho tacaddiga iyo dhibaatooyinka ay ciidankoodu ku hayaan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohingya.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s