Tiknoolojiyada

Facebook : adeeg cusub oo Messengerka lagu soo biirinayo

Shirkadda Facebook ayaa soo saareysa nooc cusub oo Messenger ah kaas oo fursad kuu siin doona in aad tiri karto fariinta aad dirtay.

Hadii qoraal u dirto qof aad Facebook ku wada sheekeysaneyseen dabeetana aad garowsato in xogta aad dirtay aanay aheyn middii saxda aheyd, ha welwelin, waad tiri kartaa qoraalkaa sidoo kale hadii aad sawir ku khalado qof kale kadibna aad ogaato inaanu sawirkaa aheyn kii aad u diri rabtay wax aad heysataa fursad aad ku masaxi karto.

Dufcadda cusub ee messenger-ka 191.0 oo dhowaan soo baxaysa waxa uu kuu ogalaan doonaa inaad la noqoto sawir ama qoraal si khalad ah qof ula wadaagtay balse wax aad heysataa kaliya 10 daqiiqo.

Si aad uga faaiideysato fursadaan waa inaad khaladaadka hadalkaaga ku jira durbadiiba fahmi kartaa si aad u tirto inta aanay dhamaan mudadaa.

Messenger-ka cusub ayaa waxaa la soo saaray bishii Abriil waxaana la bilaabay in la tijaabiyo bishii Oktoobar, messenger-kan ayaa ku siinaya fursad aad ku doorato badhanka tir fariinta, wax aanad fursad u heysataa in aad dib u saxdo qoraalkaaga.

Hadii ay tobonkaa daqiiqo kaa dhamaato fursad uma heli doontid in aad tirto mar kale waxayna si toos ah u gaari doontaa qofkii aad u dirtay.

Barnaamijkaan ay soo bandhigtay shirkadda Messenger waxaa horay u lahaa Whatsapp kaas oo fursad u siinaayey qofka in uu tiro fariin khalad ah oo uu diray.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s