Caalamka Wararka

Saxafigii  Khashogji oo Salaadii Janaasada looga tukaday Magaalooyin badan oo Dunida islaamka ka mid ah

Magaalooyin badan oo dunida ku kala yaalla ayaa maanta laga tukaday salaadii janaasada saxafiga Sacuudiga ee Jamal Khashoqgi ee lag dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga 2-dii Oktoobar.

Wiilasha uu dhalay saxafiga iyo haweeneyda uu doonayey inuu guursado ayaa dadka ugu baaqay inay maanta salaadda Jimcaha kadib Salaad Janaaso u tukadaan saxafiga oo jirkiida la jarjaray, isla markaana aan weli la helin meel uu ku danbeeyay kadib  in ku 50 maalmood markii la dilay, falkaasoo ay geysteen koox ka tirsan sirdoonka iyo mas’uuliyiin Sacuudiyaan ah.

Magaalooyinka Turkiga ayaa salaadaasi si weyn looga qeyb galay iyadoo sidoo kale dalal badan iyo magaalooyinka caalamka looga tukaday salaadii janaasada ee maqnaanshaha, waxaana sidoo kale looga tukaday magaalooyinka Media Almunawara iyo Maka Almukarama.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s