Geeska Africa Wararka

Addis Ababa : Shirka golaha guud ee Midowga Afrika oo ka furmay

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxaa maanta ka furmay shirka golaha guud ee Midowga Afrika, iyadoo ay ka qeyb galayan madax kala duwan.

Shirkan oo uu guddoominayo guddoomiyaha midawga Afrika Paul Kagame, ayaa qorshuhu yahay in go’aamo looga gaaro qodobadii kasoo baxay shirkii labaatanaad ee aan caadiga ahayn ee qabsoomay November 14 -15, 2018 ay yeesheen guddiga fulinta ee Midowga Afrika.

Arrimaha diirada lagu saarayo ayaa waxaa ka mid ah dib-u-habaynta hay’adaha Midawga Afrika, dib-u-habaynta guddiyada midawga, hay’adda horumarinta Midowga Afrika iyo dhaqaalaha lagu socodsiiyo shaqooyinka Midowga Afrika.

Shirka maanta ka furmay Addis Ababa oo ah kulankii 11-aad ee aan caadiga ahayn ee ay yeeshaan golaha guud ee Midowga Afrika ayaa lasoo geba-gebeynayaa maalinta berri ah.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s