Geeska Africa Wararka

Itoobiya oo Xabsiga Dhigtay Colonel Gabre Oo Ahaa Sarkaal ay Siweyn u taqaano Soomaalidu

Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay Colonel Gebregziabher Alemseged laakiin Soomaalidu u taqaanno Col Gabre isaga oo loo heysto danbiyo kala duwan oo ka dhan ah itoobiya gaar ahaan kicintii iyo isku dhufashadda Somali iyo Oromadda.

Gabre ayaa ku eedeysay danbiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin xad gudub xuquuqda aadanaha ee gobolka ay Soomalidu degto ee dalka Itoobiya iyo in uu ku lug lahaa banaanbaxyadii rabshadaha watay ee dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Jigjiga.

Gabre oo hore u ahaa taliyihii ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya kadibna noqday lataliyaha dhinaca siyaasada ee urur goboleedka IGAD balse laga ceydhiyay bishi June ee sanadkan.

Dowladda Itoobiya ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ku howlaneyd dab-galka iyo xadhiga saraakiil hore oo ka tirsanaa laamaha kala duwan ee Amniga kuwaasi oo ku eedeysan fal danbiyeedyo kala gadisan, musuqmaasuq iyo waliba hurinta dagaallo dad badan ku dhinteen.

Col Gabre ayaa siweyn looga yaqaanaa gudaha dalka Soomaaliya isaga oo waqtiggiisa ugu badan ku qaatay magaalada Muqdisho siyaabo kala duwanna ula soo shaqeeyay dowladdihii Muqdisho isaga danbeeyay.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s