Qormooyin

Qormo : Maxaa ka Suurtagal ah isbahaysi isir oo Oromo iyo Soomaali dhexmara?

Isu dhawaanshaha kasoo muuqday waddamada Geeska Afrika wuxuu dhaliyay su’aalo badan. Sababaha riixayo ayaa siyaabo kala duwan looga faallooday ruux walbana meel la aaday. Dadka arrintaas wax ka yiri waxaa ka mid ahaa aqoonyahan sare oo Kiinyaan ah lagu mgacaabo Peter Kagwanja kasoo aragtidiisa lagu daabacay wargayska afka dheer ee Daily Nation ee kasoo baxo Kiinyo. Aragtidi Peter waxaa soo guuriyay wargaysyada Soomaalida. Qaar waa turjumeen qaarna iyadoo sideedi u qoran ayay soo rareen.

Waxaan jeclaystay inaan wax ka iraahdo qormadaas oo si laablakac ah loo faafiyay dad badanna u riyaaqeen. Waxaan doortay inaan Afsoomaali ku qoro waayo cidda aan rabo inay farriintaan gaarto maahan qoraaga ee waa dadka soomaaliyeed ee farriinta liqay. Iskuma dheerarinayo aqoonyahaankaas waxaana qirayaa inaan khibrad iyo aqoon midna ku gaarin. Laakiin taasi ii diidi mayso inta aan aqaan iyo meelaha aan leeyahay ma uusan asiibin inaan wax ka iraahdo.

Peter wuxuu ku dooday in kacdoonka socda uu yahay mid ku salaysan isir wadaag. Qabaa’illada Soomaalida iyo Oromoda iyo kuwa yaryar ee iyaga soo raaco ee la isku yiraahdo Kushiti ayuu sheegay inay isu bahaysanayaan hoggaaminta Geeska Afrika. wuxuu intaas ku daray inuu horay u jiray isbahaysi u dhaxeeyay Amxaarada iyo Bantuuga kaasoo geeska lagu galiyay kushutiga. Bantuugu waa Afrikaanka sanka weyn halka Kushitugu yahay midka sanka dhuuban. Farqi kale oo u dhexeeyo ma jiro oo waa wada afrikaan isku qaarad daggan.

Waxaan qabaa inuusan dhici karin is bahaysi noocaas oo dhexmari karo Oromo iyo Soomaali. Sidoo kale heshiishki u dhexeeyay Kiinya iyo Itoobiya ee aqoonyahaanku uu ku fasiray inuu ahaa isbahaysi Amxaaro iyo Baantuu isna sax maahan ayaan qabaa.

Marki ummadi uu dhex marayo isbahaysi waa inuu jiraa codow muuqda iyo dano mideeyo oo isu keeno kuwaasoo ilowsiiya khilaafka dhexdoodah. Marki la helo cadowgaas dhextaalka ah ayaa la isuu yimaada lagana tashadaa sidii loo wajihi lagaa cadowgaas inta mugdiyadii soo jireenka ahaa meel la iska dhigo. Tusaale, isbahaysiga Nato loo yaqaan ee ay midaysanyihiin waddamada ree Galbeedku wuxuu ku dhisanyahay wada-ilaashiga mabda’a hantigoosadka iyo hoggaaminta dunida.

Dalalki cadowga isu ahaa sida Faransiiska iyo Jarmal ayaa ku wada jira. Wixii u dhaxeeyay meel ayaa la dhigay waxaana loo midoobay iska caabbinta shuuciyadda faafaysay. Mar walba oo cadowgaas meesha ka baxo waa in la helaa mid kale oo loo jeesto si la isugu hayo isbahaysiga. Tusaale, marki uu dhammaaday dagaalki qaboobaa ee looga adkaaday isbahaysigi Warsaw waxaa la abuubulay midki lagu qaaday islaamka ee loo bixiyay ‘la dagaallanka argagixisada’. Hal ku dhigga dagaalkaan wuxuu ahaa in kooxaha islaamiyiintu duullaan ku yihiin mabaadida iyo qiyamka ree Galbeedka. Hadda oo uu kaas sii dhammaanayo waxaa la shidayaa mid ku jihaysan Shiine. Ujeedku waa oraahdi Cali Shirwac.

Hoggamiye noolaa qiyaasti qarnigii 18aad oo lagu magacaabi jiray Cali Shirwac Ugaas Sharmaake ayaa beshiisa aad u dagaal galin jiray. Marki nabad la helo oo ayaan reeruhu nastaanba beel nabad lala ahaa ayuu guluf ku qaadi jiray. Waxaa lagu yiri dadki waa go’aye maxaad dagaal aan loo baahnayn u abaabushaa? Wuxuu ku jawaabay “tolkay waa ari xagaa joogo, ari xagaa joogana qulux ayaa lagu raacaa haddii kale wuu kala lumi”. Cali hadalkaas wuxuu ula jeeday in haddii beesha uu hoggamiyo codow ay u midowdo ay waydo inay iyaduy isku soo jeesanayso. Falsafaddaas odaga ree yimiga ah ee soomaaliyeed waa hore yiri waa mid waa hore iyo mid danbaba lagu dhaqmo.

Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ayaa soo jeediyay in la helo cadow ka bannaanka ah aadanaha si aadanaha oo dhan hal dhinac u maro oo uu cadowgaas ugu midoobo taaso joojinta karto colaadaha aan dhammaadka lahayn ee aadanaha u dhaxeeyo. Tusaale, madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Reagan ayaa ka yiri khudbadii uu ka jeediyay xarunta Qaramada Midoobay sanadki 1987’di “waxaa marmar igu soo dhaco sida dhaqsaha ah ee aan isku dhinac u mari lahayn haddii cirfiid nasoo weeraro”.

Sidaas darteed maadaama uusan jirin dano ku dhisan mamd’a oo ka dhaxeeyo Soomaali iyo Oromo sida uu qiray petr ba, mahici karto in la yagleelo isbahaysi Oromo-Somali. Sidoo kale, ma jiro cadow u dhaxeeyo oo labaduba ay tahay inay iska ilaaliyaan kasoo ay hal dhinac ooga soo wada jeestaan sidii ay sameeyeen Amxaaro-Baantuugu.

Heshiiska Amxaaro-Baantuuga waxaa saldhig u ahaa iska caabinta Soomaalida doonaysay inay ka xowordo guumaysigooda. Baantuugu waxay haysteen goballada Waamo oo ilaa maanta ku maqan halka Amxaardu haysatay Soomaali-galbeed. Mid walba goonidiisa inuu u difaacdo dhulka uu haysto way ku adkayd sidaa darteed iskaashi ayay galeen ay isugu gurmadaan haddii Soomaali kusoo duusho.

Dadka qaar aya ku dooday inay Soomaali iyo Oromo horay isbahaysi u samaysteen 70aadki iyo 80aadki iyagoo ula jeedo jamhadihi lagu aasaasy Soomaaliya ee Oromo iyo Soomaali kuwaaso dowladdi kacaanku u dhistay xoraynta Soomali-galbeed iyo wiiqidda maamulka Mangiiste. Waa jiraa isbahaysigaas laakiin kaasu kani la nooc maahan.

Marka hore Oromo waxay ahayd dad dulman oo la haystay waxayna doonayeen xaq ka maqan. waqtigaas waxay magan u ahaayeen Soomaalida oo ay kaamlmo ka rabeen. Saldhigoodu wuxuu ahaa Soomaliya, agab iyo saanadba waxay ka sugayeen Soomaaliya. Sidaa dareteed waxay ahaayeen dad gacanta Soomaalida ku jira ee maahayn isbahaysi siman oo wax isku darsaday. Saas oo at tahay waxaa diiwaan gashan in lagu heshiin waayay magaci loo bixin lahaa isbahaysiga. Oromo waxay u arkaysay magac walba oo Soomaali laga dhex argo inuu xaqooda meesha ka saarayo khatarna ku yahay Itoobiya. Waqtigi ugu badnaa shirki lagu qabtay dagmada Afgooye (haddii aysan xasuustaydu i qiyaamin) waxaa uu ku baxay in la helo magac lagu wada qanacsan yahay oo dhexdhexaad ah marki danbana waxaa lala yimid Soomali-Abow.

Sidoo kale markaas waxaa jiray cadow u dhaxeeyay. Labaduba waxay ku jireen gacan arxan daran. Waxaa laga haystay dhul waxaana laga ilaaliyay xukunka. Mid walba ujeeddo ha u qarsoonaato laakiin waxay ka middaysnaayeen tuuridda xukunki markaas Itoobiya ka jiray. Maanta Oromo iyadaa fadhido booski Mangiiste. Iyadaa ah cadowga Soomaalida ee dhulka haysto, iyadaa ah midda la iska ilalinayo ee dhul ballaarsiga waddo. Awal hadduu jiray cadow ay isu bahaysteen hadda iyagaa isu ah cadowga koowaad sidaas darteed ma dhici karto inay meel dhexe isugu yimaadaan.

Waxaa sidoo kale dhici karin in isir la wadaago kaliya uu abuuro isbahaysi. Balse waxa abuuri karo isbahaysi waa wada-dhalaso la hubo ka sinnaasho af, dhaqan iyo dhalasho. Tusaale, dad caddaan ah oo dhan wuxuu kasoo jeedaa qaaradda Yurub. Yurubta Galbeed waxay isa sii xigtaa oo Nato ayay ku wada jirtaa haddana wax badan ayaa u dhaxeeyo inay kala tagaanna ma foga. Maraykanka, Ingirriska, kanada, Ustaraaliya iyo Niyusiilaand waxay sii leeyihiin isbahaysi hoose oo aan marnaba kala go’i karin. Si walba oo isu khilaafaan daahir, ma dhici karto inay kala tagaan ama furin isaga baxaan. sababta ayaa ah inay yihiin hal qoys, af iyo dhaqanna wadaag ah yihiin Ingriisna wada dhalay.

Waxaa la mid ah dadka Carbeed. Iyadoo Carab la wada yahay dowladana la wada leeyahay af dhaqan iyo dhalashana la wada wadaago ayaa Khaliijku mid hoose sii leeyahay sababtu waa inay hal qoys yihiin dadka daggan Khaliijka. Go’doominta Qatar ha u qaadan cadaawad ee waa edbin iyo in loo arkay wiil walaalihiis ku caasiyboobay. Ka soo qaad shanta soomaaliyeed oo ah shan dal oo kala madaxbannaan. Isbahaysigoodu siduu noqon lahaa inay kuu caddahay baan filayaa. Waxwalba oo manta la tuhmayo ma dhici karto in Jabbuuti iyo Soomaaliya kala tagaan.

Isirka ka dhaxeeyo Oromo iyo Soomaali waa kan ka dhexeeyo Afrikaan kale oo badan oo dago ilaa Jaad iyo Gaambiya. Isirkaas maahan mid dad isu soo dhaweeyo maadaama uusan ahayn dhalasho cad oo la hubo iyo dhaqan iyo af kulmiyo. Sidaa awgeed arrinta isirkana halkaas ha kugu dayso.

Haddaba maxaa sabab u ah dardarta Ibay Ahmed? Bilo ka hor ayaan wax ka iriye halkaan ka Akhri. Wax isku darsasho iyo dhaqaale wadaag ma na dhexmari karaa innaga iyo Itoobiya? Hadda ka hor baan iyadana wax ka iriye halkaan ka akhri.

Aan ku xiro inaan iraahdo hadalkaygu kama dhigna Soomaaliya iyo Itoobiya ma heshiin karaan, iskaashi ma dhexmari karo waligoodna cadow ayay isu ahaan. Waxa aan ka hadlay waa kaliya in waqtigaan aysan Oromo iyo Soomaali samaysan karin iskaashi ku qotomo isir.

Qoray : Ibrahim Aden Shire

Email : ishire86@gmail.com

kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/

Ogow : Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka Qoray, kamana tarjumeyso aragtida AwKutub News. 

AwKutub News, waa Websayt u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa. 

Ku soo dir qoraaladaada : awkutubnews@gmail.com.  Mahadsanid

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s