Soomaalida Wararka

Jigjiga oo maalintii labaad uu ka socdo bandhig Suugaaneed. 

Maalintii labaad waxaa magaalada Jigjiga ee xarrunta dowlad deeganka Soomaalida, ka socda bandhig suugaaneed lagu soo bandhigayo taarikhdii uu lahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Bandhiggan ayaa waxaa soo qaban qaabisay maamulka cusub ee dowlad deeganka Soomaalida ee madaxweynaha uu ka yahay Mustafe Maxamed Cagjar.

Bandhigga ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadweyne aad u fara badan kuwaasoo ay ku jiraan, abwaanno, hal-abuurayaal, qorayaal iyo dad caan ku ah afka hooyo.

Sidoo kale, bandhigga ayaa lagu soo bandhigayaa gabayadii uu caanka ku ahaa Sayidka oo door ku lahaa la dagaallankii gumeystayaashii xoogga ku heestay dalkeenna.

Dad weynaha magaalada Jigjiga ayaa soo dhaweeyay bandhig suugaaneedka ka socda magaalada Jigjiga, waxaana ay sheegeen in arrintaas ay horseed u noqoneyso is dhexgalka ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay midoobaan markale.

Sidoo kale, waxaa bandhigga qayb ka ah kobcinta afka Soomaaliga.

Dadka ka soo qaybgalay waxaa ka mid ah Axmed Cali Faarax Idaajaa oo ah qoraa caan ka ah dhulka Soomaalida, siyaasiyiin uu ka mid yahay wasiirka warfaafinta Puntland Cabdifataax Nuur Cali oo ku magacdheer (Ashkir).

Sidoo kale, waxaa kale oo lagu casuumay bandhigga madax dhaqameed iyo abwaanno ay ka mid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Caaqil Jaambiir, Muuse Cali Faruur, Abwaan Qorane iyo Maxamed Beddel.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s