Soomaalida Wararka

Muqdisho : Shir looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya oo ka furmay

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda ganacsiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya waxaa  daah-furay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, mudane Xasan Cali Khayre.

Waxaa shirka ka qeyb galaya ganacsato, wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wakiillo caalami ah.

Wasiirka ganacsiga dowladda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hadal ka jeediyay furitaanka shirkan ayaa sheegay in si fiican loo gorfeyn doona fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka bannaan Soomaaliya mudada laba maalmood ah ee uu shirka socon doono.

Maareeye ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay kaalin mug leh ka qaateen samata bixinta Soomaaliya oo in mudo ah ku soo jirtay dhibaatooyin badan oo ka dhashay burburkii dowladii dhexe isagoo sidoo kale bogaadiyay kaalinta dowladda Turkiga ay ka qaadatay maalgashiga Soomaaliya.

“ Waxaan aad ugu mahad celinaya ganacsatada Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaadatay sidii Soomaaliya ay uga bixi lahayd dhibaatada” waxuu intaa raaciyay “Madasha wada xaajoodka dowladda iyo ganacsatada waxay shaqeyneysay muddo hal sano iyo bar ah waxaa muddadaas u qabsoomay howllo aad u fara badan”

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s