Soomaalida Wararka

Sawirro : Suxufiyiinta Muqdisho oo dalbaday in caddaalada la horkeeno kuwii dilay Khashoggi

Qaar ka mid ah suxufiyiinta magaalada Muqdisho, ayaa dalbaday in caddaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay dilka weriye Jamal Khashoggi oo labadii bishii horre lagu dhexdilay qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul.

Koox weriyayaal ah oo ay ku jiraan madaxda Idaacadda Goobjoog ayaa isugu yimid barxad Idaacadda ay lee dahay, iyagoo sitay boorar uu ku sawirran yahay weriye Jamal Khashoggi iyo hadalo ay ka mid yihiin weriyaha Sucuudiga ha ehlo caddaalad.

Maxamed Boosh waxa uu ka mid ahaa weriyayaasha isku soo baxa ka qaybgalay, waxa uu BBC-da u sheegay in ay dalbanayaan in caddaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay dilka weriye Jamaal Khashoggi.

“Waxaa cadaalad u horseedeenaa weriye Jamal Khashoggi oo labadii bishii October lagu waayey qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul, waa markii ugu horreysay oo weriyayaal Soomaaliyeed ay isku yimaadaan iyagoo cadaalad u raadinaya ninkaas la la’yahay”ayuu yiri Weriye Boosh oo ka tirsan Idaacadda Goobjoog.

Waa markii ugu horraysay oo weriyayaal Soomaaliyeed ay cadaalad u dalbadaan weriyaha u dhashay dalka Sucuudiga.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s