Soomaalida Wararka

Itoobiya oo qunsulkeedii kala baxday Soomaaliland

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in sababta loogu yeeray Qunsulka in ay tahay Isbadelka ka socda Geeska Afrika,islamarkaana Itoobiya ay guud ahaan joojisay xiriirkii kala dhaxeeyay Somaliland,taas badalkeena Arrimaha Somaliland ay kala tacaamuli doonto Soomaaliya.

Qunsulka oo lagu Magacaabo Bereha Tesfay ayaa shalay gelinkii dambey gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka dib markii uu diyaarad ka raacay Magaalada Hargeysa.

Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa Warbaahinta u sheegay in Bereha Tesfay, uu saraakiisha Somaliland shalay ku wargeliyay in ay u yeertay dowladdiisa isaga oo aan sheegin wax intaas dhaafsiisan.

Sababta ugu weyn ayaa lagu sheegay in tahay in dowladda Itoobiya ay kala noqotay Somaliland xiriirkii dublomaasiyadeed ka dib markii Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ,Eritrea iyo Itoobiya ay isku raaceen ilaalinta Midnimadda iyo Madaxbaanida Saddexda dal.

Somaliland ayaa 20 kii sano ee lasoo dhaafay xiriir wanaagsan kala dhaxeeyay dowladda Ityoobiya, waxaana soo maray dhowr Qunsul oo Somaliland si gaar ah ula tacaamuli jiray.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s