Soomaalida Wararka

Xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay howlgallo ka Socda Shabeelada hoose

Maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in howlgallo ciidamada dowladda ay ka fuliyeen deegaanka Jilib Marka ay ku dileen 7 xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa tilmaamay in howlgalkan  ay ku dileen 7 xubnood oo ka tirsanaa Al shabaab tiro kalena ay dhaawaceen.

“Ciidamada xoogga dalka howlgallo ay ka fuliyeen deegaanka Jilib Marka, waxay ku dileen 7 xubnood oo ka tirsanaa Al shabaab, tiro kalena waa looga dhaawacay, howlgalka ka dhan ah Al shabaabna weli waa socda”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka shabeellaha hoose.

Guddomiyaha ayaa ka gaabsaday in uu ka warbixiyo waxyeellada soo gaartay ciidamada dowladda xilligii howlgalka uu socday.

Ciidamada dowladda oo garabsabaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo Al shabaab ayaa dhowr maalmood ka hor ku dagaalamay deegaanka Jilib Marka ee duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeellaha hoose.

Ururka Al-shabab kordhiyay weerarrada ay ku qaadaan saldhigyada ciidamada ee magaalada Marka ee deegaannada ku hareeeysan kadib markii ciidamada xoogga dalka ay kala wareegeen gacan ku haynta magaalada.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ka dhan ah Al shabaab ka wada qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Sidoo kale ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ah ee ay la beegsanayan dagaalyahannada Al-shabaab iyadoo maalmihii la soo dhaafay duqeymo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug lagu dilay ku dhowaad 50 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab sida lagu sheegay warbixin uu soo saartay Africom

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s