Soomaalida Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay dalka Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmihii ugu dambeeyay booqashooyin rasmi ah ku kala bixinayay dalal dhowr ah oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya ayaa maanta u dhoofay xarunta dalka Uganda ee Kampala.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona dhiggiisa dalka Uganda madaxweyne Yuweri Kaguta Museveni iyada oo  madaxda labada dal ay ka wada hadli doonaan  xoojinta xiriirka labada dal, iyo la dagaallanka Al-shabaab maaddama Uganda ay ka mid tahay dalalka Midowga Afrika ee ay ciidamada ugu badan ee nabad ilaalinta ay  ka joogaan Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsan ee ay madaxda labada dal isla qaadaa dhigi doonaan ayaa waxaa ka mid ah sidii Qaramada Midoobay looga dhaadhicin lahaa inay hakiso tallaabooyinka ay ku dooneyso inay ku dhinto tirada ciidamada nabad ilaalinta ah ee AMISOM oo Uganda  hormuudka ka tahay ee Soomaaliya ku sugan.

Dowladaha ay ciidamadu ka joogaan  Soomaaliya ayaa si weyn uga gows riixday dhimista ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iyaga oo sheegay in  illaa iyo iminka aysan dhisneyn ciidamo Soomaaliyeed oo cudud leh si buuxdana ula wareegi kara ammaanka dalka iskana caabbin kara kooxda Al-shabaab oo halis ku ah dowladda Soomaaliya ee curdanka ah.

Wadamadaan ayaa qaba in dhimista ciidamada Midowga Afrika ayaa wiiqi karto dadaalladii muddada dheer soo socday ee looga gol lahaa nabadeynta Soomaaliya, cirib tirka Al-shabaab iyo guud ahaan xasilinta gobolka Geeska Afrika.

Ciidamada Midowga Afrika ayaa gacan weyn ka geystay la dagaallanka kooxaha nabad diidka ah, ilaalinta xarumaha iyo ilaha dhaqaale ee muhimka ah ee ay ku tiirsantahay dowladda Soomaaliya.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s