Geeska Africa Wararka

Addis Ababa : shirweynaha ganacsiga ee Shiinaha iyo Afrika oo ka furmay

Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa waxa ay martigelineysaa Shirweynaha Ganacsiga ee Shiinaha iyo Afrika oo maanta ka furmay halkaasi.

Shirkado ka socda dalka Shiinaha oo ka soo qeyb galay Shirweynahan ayaa la filayaa in ay xiriirro la sameeyaan dhiggooda Itoobiya iyo guud ahaan dalalka Afrika.

Rugta Ganacsiga ee Itoobiya iyo guddiga xogheynta ee soo agaasimaya Shirweynahan ayaa sheegay in hadafka shirweynaha uu yahay xoojinta wadashaqeynta ka dhexeeysa labada dhinac si loo kordhiyo kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Hadafka dowladda Itoobiya ay ku soo jiidaneyso maalgashadayaal shisheeye ayaa la jaanqaadaya qorshaha Itoobiya ay ku dooneyso in ay noqoto xarunta warshadaha Afrika wixii loo gaaro 2025-ka.

Maalgashiga shirkadaha Shiinaha ay ka hirgaliyeen Itoobiya sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxay ka qeyb qaateen kordhinta kobaca dhaqaalaha Itoobiya.

Sida uu sheegay guddiga dhaqaalaha iyo maalgashiga, dowladda Itoobiya waxay sanadkii la soo dhaafay oo kaliya ruqsad ganacsi siisay in ka badan 1290 mashruuc oo maalgashi ah oo ay fulinayaan shirkado Shiinaha laga leeyahay.

Guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha iyo maalgashiga,  Mekonen Hailu ayaa sheegay in 24% dhaqaalaha kasoo xerooda shatiyada maalgashiga ay ka soo galaan shirkadaha Shiinaha laga leeyahay.

“Dhaqaalaha Shiinaha uu ku bixinayo Itoobiya waa midka ugu ballaaran guud ahaan maalgashiga Shisheeye ee Itoobiya lagu bixiyo” ayuu yiri Mekonon.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s