Aqoon Guud

Maansada : Dugsiga barashadiis

Aroortii qoraxdo nuurku soo
Dilaaco falaadheheegu
Dunida daganaan ku faafo
Dadku kala Danloo
Dagdagaayan fiiro li i ,hooyo inta
Dadaashe diyaarinaysa ubadke ku
Dareerinaysa dugsige farxad
ubadku ku riyaaqan macalin goboo
Dabacsano dulqaadle u diran
Danta guudo hadafkiisi uyahay ubax uu beeriyo
Dadkiyo dalkaba u adeega hagar li i ,
Damiirlaawe hanoqon macalinka
Daaliyo dugsiga markuu
soo xaadiro niyada laga dhibsado
Daandaansada walaalihii ,
Dadka inta magac kule
Daarahana ku nool Qadarina mudan xaglohoogo
Duuban kumay gaadhin darajadane ,
Dulqaad samir lagu dirqiyey
Damac nafto hanka loogadhigay
ayey ku tiig sadeen ,
Darbo taabatiyo duruufo i
Dil kood kuwa duubka saarte ka
Danaanin weeye , ardaydayda Qaaligaay
Dabuubtaydu waxay tahay
Duruustiina dhawro
Dugsi giina xanaaneeyo
Duco samir lagu daahay kunagaadiya
Dadaalo dalabka noloshana
Daruuraha ka daalacda ,
Daayim kuwu sugee ku
Darara aqoone ka dalaca
Duruusaha eebe haniga dhigo Haku
Dayan nin loo diray
Dugsi barashadiiyo dacal maray
Dantiisii dagal adoo kujira u
Dadaalaya daruursare u
Damqanaaya waalidkaa
Deeq uu kugu tariyo
Duruufo uu hiigsado isagoo
Daryeelaaya barashada tacliintaada ,
Dadku kala darajo badan
Dumuuxaadka hankuna kala duwan
Dawga laqaadona kala daran ,
Dalabkaagu yuu noqon
Dalanbaabi nololeed
Dantuna yey ku badin niman
wax tar lahayn ,tignologi
Dajintii dunida casri ku siyaadinteda
Daabicid kutubeed hadaanad
Daayimin dugsiga barashadiis
Dagdag miyaad ku gaadhi , noqo qalin maal ku
Dirira danihiiso danidu na ku hagayso
Dariiq sugan ,waxaad tahay arday
Da’ayaro maankiisu tarmaayo ka
Dadan xumoho dadku ay
Dareeman inuu ku dhiiran yahay
Dugsi uu dhigtiyo aqoon koror si uu
Daadihiyo ,hankaagu ma
Daalo tamartaadu ma hiifto waxaad tahay
Dabayl yaro damaashaadka cilmigu miyirkiisa
Duxoo dareemayn duufan durayso
Diidaya dib u dhac,
Dambar weeye dugsigu
Da’yaro lagu anqariyo
Dogob tii sa ladaawado
Dacaladu yaanay ku dirin
Duruufuhu yaanay ku dagin
Diinta ku dadaal dikriga eebiyo ku
Daadah raxmada
Doqon damqasho lahayn ba
Dareemin dadaalka aabiyo hooyo
Diiradeeda noloshe ka
Durug wixii kaaga dhiga
Dabuub inaad ka durugto
Dugsiga qayrka waa kuwa
Dadaale dayaxa saray u dhaafe

Abwaan amiin cabdalle

Ereyada : amiin cabdalle

Ogow : Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka Qoray, kamana tarjumeyso aragtida AwKutub News.

AwKutub News, waa Websayt u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa.

Ku soo dir qoraaladaada : awkutubnews@gmail.com.  Mahadsanid.
AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s