Caalamka Wararka

Madaxweynihii hore George Bush Mareykanka oo geeriyooday

Waxaa geeriyooday madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka, George Bush-kii weynaa sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan xubnaha qoyskiisa.

Madaxweynihii hore  ee Mareykanka, George W. Bush ayaa boggiisa Twitter-ka ku daabacay in isaga iyo dhammaan xubnaha qoyskiisaba ay ka xunyihiin geerida aabohood oo 94-jir ahaa.

Geerida Bush ayaa timid bilo kadib geeridii xaasiisa Barbra Bush oo ku beegneyd bishii Abril ee ina dhaaftay.

Bush ayaa ahaa duuliye dayuuradeed xilligii uu dhacayay dagaalkii labaad ee dunida walow uu markii dambe ka tagay duuliyennimadii 1964-kii kolkaasoo uu u beydhay dhanka siyaasadda kuna biiray xisbiga Jamhuuriga 1964-kii.

George Bush ayaa ahaa madaxweynihii 41-aad ee soo mara dalkaas isaga oo  muddo siddeed sanadoodna ahaa madaxweyne ku xigeenkii Ronald Regan.

Waayihii Bush uu hoggaaminayay dalka Mareykanka ayaa ahaa waayo ku suntan taariikh iyo dhacdooyin waaweyn oo dunida kusoo darriyay maadaama ay ku soo beegantay xilligii burburka iyo xagal daaca ku yimid nidaamkii shuuciga ahaa ee ka dhisnaa Yurubta Bari iyo waliba burburkii Midowgii Sofiyeetka taasoo suura galisay in Mareykanka uu noqdo dalka qudha ee ugu tunka weyn ee dunida hoggaamiya, qaabeeyana siyaasadaha is diidan ee adduunyada.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s