Caalamka Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo la maxkamadeyn doono

Booliska Israa’iil ayaa sheegay iney maxkamadeyn wajahayaan Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu iyo xaaskiisa Sara, ka dib marikii lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo laaluush.

Waxaa lagu tuhunsanyahay iney xagga sharciga si khaldan ugu hiilliyeen shirkadda warbaahinta ee Bezeq telecom, iyagoo ka rabay in dhankeeda ay u baahiso warar dhinaca fiican oo kaliya looga eegayo arrimaha ku saabsan Ra’iisul wasaaraha iyo xaaskiisa.

Mr Netanyahu ayaa iska fogeeyay eedeymahaas oo ku jira waxa loo yaqaanno Kiiska 4000.

Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa hadda laga dhowrayaa inuu go’aan ka gaaro in kiiskan loo gudbiyo maxkamadda iyo in kale.

Israa’iil oo amartay “jaridda xiriirka UN”Qaramada Midoobay oo cambaaraysay deegaamaynta Israa’iilIsraa’iil oo weerartay Marinka Qaza

Maxay yihiin eedeymihii ugu dambeeyay?

Maanta oo Axad ah, Booliska Israail iyo mas’uuliyiinta laamaha amaanka ayaa sheegay in la helay caddeymo xoog badan oo horseedaya in dacwad la xiriirta musuqmaasuq lagu soo oogo Mr Netanyahu iyo Afadiisa.

Waxaa lagu tuhmay iney faragalin ku sameeyeen go’aanno dhinaca sharciga ah oo loogu eexday shirkadda Bezeq iyo ninka saamiga ugu weyn ku leh ee lagu magacaabo Shaul Elovitch.

Taas baddalkeedana, lamaanahan ayaa sida lagu eedeeyay la siiyay tabin dheeraad ah oo looga eegayo dhanka wanaagsan oo qura, taasoo lagu shaaciyay bog ay internet-ka ku leedahay Shirkadda Bezeq.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay iney heleen caddeymo muujinaya in Mr Elovitch uu bixiyay laaluush.

Benjamen Natenyahu oo ka jawaabayay eedeymahan ugu dambeeyay ayaa bartiisa Twitter-ka ku yiri: “Macluumaadkan waxaa go’aankooda la gaaray lana abuuray ka hor inta aysan baaritaannada billaaban.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s