Soomaalida Wararka

Wafdigii Madaxda Jabhadda ONLF oo Maanta ku Wajahan Magalada Jigjiga

Wafdigii Jabhadda ONLF ee shalay soo gaaray magalaada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa la filayaa in maanta ay u kicitimaan magaalada Jigjiga ee xarunta Deegaanka Soomaalida.

Afhayeenka urururka ONLF, Cabdulqaadir Hirmooge Caddaani ayaa sheegay in wafdiga socdaalka uu ku tagayo Deegaanka Soomaalida ay ku wehlin doonaan masuuliyiin heerar kala duwan leh kuwaasoo u xil saaran maamuuska iyo soo dhaweynta wafdiga.

“Maanta ayay wafdigu u kicitimi doonaan Jigjiga, garoonka kubadda cagta oo loo diyaariyay soo dhaweyntooda ayayna isugu tagi doonaan” ayuu yiri Hirmooge.

Dhawaan wadahadal ay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ku wada yeesheen Jabhadda ONLF iyo dowladda Itoobiya ayay ku wada gaareen heshiis nabadeed ay labada dhinac isku afgarteen in dhammaan khilaafaadka jira lagu dhameeyo miiska wada hadalka.
Todobaadyadan magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida waxaa kusii qul qulayay siyaasiyiin iyo dagaalyahanno ka tirsanaa ururka ONLF oo muddo dheer ka maqnaa dalka kadib heshiiskii dhex maray ururka iyo dowladda dhexe ee Itoobiya.

Isbadal siyaasadeedka ka curtay dalka Itoobiya ayaa suura galiyay inay dalkaasi dib ugu soo noqdaan boqollaal dadweyne ah oo horay uga biya diiday maamulkii qallafsanaa ee muddada dheer dalkaasi ka talinayay.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s