Soomaalida Wararka

Booliska Magaalada Kolombos oo baaraya Sababtii ka dambeysay Dhimashada laba gabdhood oo Soomaali ah

Ciidamada booliska magaalada Kolombos, gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa wada baaritaan lagu ogaanayo sababta dhalisay shil ay ku geeriyoodeen laba gabdhood oo walaalo ah oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya.

Labadan gabdhood ee ku geeriyooday shilkan gaari ayaa lagu kala magacaabi jiray Amaal Maxamed iyo Aniso Maxamed.

Aamina Maxamed oo la dhalatay hablaha geeriyooday ayaa iyaduna ku  dhaawacantay  shilka gaari ee ka dhacay Kolomboos.

Dhaawaca Aamina ayaa iminka lagu dabiibaya mid ka mid ah isbitaallada gobolkaas oo la geeyay shilka kadib.

Gabdhahan ayaa xilligii uu dhacayay shilkan waxay ka soo noqdeen booqasho gaaban oo ay ugu tageen qaar kamid ah ehelladooda sida uu xaqiijiyey Cumar Khaliif oo ka mid ah xubnaha qoyskooda.

Cumar ayaa sheegay in Amaal oo kamid ah labada gabdhood ee geeriyootay ay iyadu kaxeyneysay baabuurka ay ku socdaalayeen.

Aalaaba shilalka ka dhaca dalka Mareykanka oo ay ku nafwaayaan dad fara badan ayaa loo aaneeyaa in ay sabab u tahay xawaaraha sarreeya ee darawallada qaar ay ku kaxeeyaan taas oo ay u sii dheer tahay taxadar la’aan.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s