Carabta Wararka

Dalka Qadar oo ka baxaya ururka dalalka saliidda dhoofiya ee OPEC

Qatar ayaa maanta sheegtay inay ka baxeyso ururka dalalka saliidda dhoofiya ee OPEC laga billaabi bisha Janaayo ee sanadda 2019, si ay diiradda u saarto dhoofinta gaaska dabiiciga ah ee la qafiifiyey (LNG).

wasiirka tamarta Dalka Qatar, Saad Sherida al-Kaabi 

Isaga oo maanta weriyayaasha kula hadlayey magaalada Doha, ayaa wasiirka tamarta Qatar, Saad Sherida al-Kaabi waxa uu sheegay in dalkiisa oo ah kan dhoofiya gaaska ugu badan ee dabiiiciga ah ee LNG uu qorsheynayo inuu kordhiyo dhoofintiisa.

Qatar ayaa sanadkii soo saarta 77 milyan oo tan oo gaas dabiici ah, hase yeeshee waxa uu al-Kaabi sheegay inay gaarsiin doonaan 110 milyan oo tan.

Qatar ayaa sidoo kale dooneysa inay kordhiso wax soo saarkeeda saliida ceeriin oo hadda ah 4.8 oo barmiil maalinkii, ayna gaarsiiso 6.5 milyan oo barmiil, sida uu sheegay wasiirka.

Qatar ayaa xiisad diblomaasiyeed waxa ay kala dhaxeysaa dalka Sacuudiga oo ah kan ugu awoodda badan dalalka OPEC, hase yeeshee al-Kaabi ayaa sheegay in go’aanka Qatar ay kaga baxeyso ururka uusan xiriir la lahayn arrimo siyaasadeed.

Dalalka Ururka OPEC ka tirsan

Ururka OPEC oo xaruntiisu tahay magaalada Vienna ee dalka Austria ayaan weli ka jawaabin go’aanka Qatar.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s