Caalamka Wararka

Dilka Khashogji : Agaasimaha Hay’adda CIA-da oo faahfaahinta kiiska Khashogji laga waraysanayo

Agaasimaha Hay’adda CIA-da, Gina Haspel waxay manta Kulan ay Albaabadu u xiran yihiin la yeelan doonta Hoggaamiyayaasha dhowr Guddi oo ka tirsan Aqalka Senedka ee Maraykankaa, si ay faahfaahin uga siiso Kiiska dilkii Saxafigii Sacuudiyaanka ee Khashoggi

Wargeyska The Wall Street Journalayaa qoray inay Gina Haspel la kulmi doonto Hoggaamiyayaasha Xisbiyadda Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ugu qaabilsan Guddiyada Xiriirka Dibedda iyo Adeegga Milliteriga ee Senedka Maraykanka.

Kulankooda ayaa ku soo beegmayo iyadoo ay qaar ka tirsan Seneterada Maraykanka ka careysan yihiin sida ay Agaasimaha CIA-da uga meermeerayso inay Aqalka u soo gudbiso Warbixin dhamaystiran, inkastoo ay horey ula kulantay Guddiga Sirdoonka ee Senedka Maraykanka.

Saxafiga Jamaal Axmed Khashoggi oo 59-jir ah waxaa bishii October 2-dii lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ku leeyihiin magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga, waxaana dilkiisa fuliyey xubin ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga.

AwKutub News

Advertisements

One comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s