Caalamka Wararka

Ninkii Daacish qoor-goynta u qaabilsanaa oo la dilay

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn lagu dilay Abu al-Umarayn, oo ka tirsan kooxda IS islamarkana sida la sheegay dilay dhowr qof oo u dhashay dalalka reer galbeedka ee u shaqaynayay hay’adaha gargaarka.

Ninkani ayaa sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka waxaa lagu dilay duqayn laga fuliyay gudaha dalka Suuriya.

Ciidamada isbahaysiga ayaa waxay fuliyeen “weerar la xaqiijiyay ” axaddii kaasi oo lala bartilmaameedsaday hogaamiyayaasha IS ee uu ka midka yahay Umarayn ee ku sugan koonfur bari Suuriya axaddii,waxaa sidaasi sheegay militariga Mareykanka.

Ninkan ayaa la rumaysan yahay in uu masuul ka ahaa dilkii Cabdul-Raxman Kassig oo ahaa nin Mareykanka u dhashay oo hay’ad gargaar u shaqaynayay islamarkana qoorta laga gooyay November 2014.

Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay in Umarayn “uu halis ku ahaa xoogaga isbahaysiga”.

Kooxda la baxday dowladda islamka ayaa waxaa gacantooda ka baxay ku dhawaad dhammaan dhulka ay horey u maamuli jireen ee Ciraaq iyo Suuriya.

Dad gaaraya 10 milyan ayaa ku nool goobaha ay IS horey gacanta ugu hayn jireen.

 AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s