Caalamka Wararka

Wiil 7 jir ah oo $22 milyan ka sameeya Youtube-ka

Wiil 7 sanno jir ah oo ka faalooda qalabka ay carruurta ku ciyaaraan ayaa la sheegay in uu noqday qofka lacagta ugu badan ka sameeya shabakadda Youtube.

Sida ay qortay majalladda Forbes ee looga hadlo hodantinimada adduunka ayaa lagu sheegay in sannadkii wiilkan yar uu sameeyo $22 milyan doolar, lacagtan oo aysan ku jirin canshuurtii laga qaadi lahaa iyo qarashaadkii kale.

Wiilkan yar oo magaciisu yahay Ryan ayaa waxa uu ka sare maray dadka Youtube-ka caanka ka ahaa sida ninka lagu magacaabo Jake Paul, kaas oo uu ka sareeyay lacag dhan nus malyuun doolar.

Akhri : 5 Tallaabo oo kuu suuraggelinaya inaad caan ka noqoto Baraha Bulshada.

Waxaa kaalinta seddexaad soo galay Dude Perfect, isaga oo hela lacag dhan $20 milyan doolar.
Mar taleefishinka NBC uu Ryan weeydiiyay sababta kanaalkiisa ay caruurta u jecelyihiin ayaa waxa uu yiri “Waan madadaaliyaa, waanan u majaajileeyaa”.

Waxa uu kanaalkan furey sannadkii 2015-kii, muuqaalada qaarna waxaaba la daawaday 26 milyan oo jeer, waxaana ku xiran 17.3 milyan oo qof. Lacagta waxaa laga sameeyaa xayaysiinada soo muuqda marka uu muuqaalka bilaabanayo.

yhytjht
kala sareynta kanaalada youtube-ka ee lacagta badan helay

Qalabka ay carruurta ku dheelaan ee kusoo baxa kanaalka Ryan ayaa la sheegay in markiiba la wada iibsado.

Bishii Agoosto, shirkadda Walmart ayaa soo saartay qalan gaar ah oo lagu xardhay magaca Ryan.

Maadaamaa uu weli ilmo yahay, 15% ka mid lacagta uu sameeyo ayaa lagu xareeyaa sanduuq bangi gaar ah, wuxuuna isticmaali karaa marka uu qaangaaro.

Source : BBC NEWS Somali

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s