Soomaalida Wararka

Sawirro : Rabshadihii Baydhabo oo maalintii labaad sii socdo

Magaalada Baydhabo waxaa maalintii labaad ka socda bannaabaxyo rabshado wata, waxaana magaalada lagu dilay xildhibaan ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Bannaanbaxyada ka socda Baydhabo ayaa salka ku haya kaddib markii shaley magaalada Baydhabo laga soo xirtay musharax madaxweyne Mukhtaar Roobow Cali oo ka mid ahaa musharrixiinta u taagan doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Waxaa xiran goobaha ganacsiga magaalada, sida dukaamada iyo maqaayadaha, waxaa istaagay gaadidka magaalada sida ay ku warramayaan weriyayaasha ku sugan magaalada.

Sidoo kale, diyaaradihii magaalada Baydhabo tagi jiray maanta ma tagin halkaas sababo la xiriira xaaladda ammaanka magaalada Baydhabo.

Xarrumaha muhiimka ah ee magaalada ku yaalla sida madaxtooyada waxaa ilaalinaya ciidamo Itoobiyaan ah.

Xariga Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay magaalada in uu ka kiciyay rabshado kuwaasoo dad ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale magaalada ayaa kala xiran.

Wadooyinka magaalada ayaa lagu arkayaa dadweyne taageersan Mukhtaar Roobow kuwaasoo ku dhawaaqaya hadalo ka dhanka ah madaxda dowladda.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s