Soomaalida Wararka

Waddo isku xiraysa Jigjiga iyo Diridhabo oo la dhisayo

Shirkado qaabilsan dhismaha wadooyinka oo laga leeyahay dalka Shiinaha, ayaa loo xilsaaray mashruuca lagu dhisayo jidka dheer ee isku xira magaala madaxda ismaamulka Soomaalida ee Jigjiga iyo magaalada qaddiimiga ah ee Dirdhabo, kadib heshiis ku kacaya 244 Milyan oo dollarka Mareykanka ah oo lala galay sharikadaha Shiinaha.

Shirkadahaan oo ah 4 shirkadood oo dhammaantood shiineys ah ayaa waxaa heahiiska la galay hay’adda Dhismaha Wadooyinka Itoobiya.

Maareeyaha mid kamid ah shirkadaha ku guuleystay dhismaha waddadan isku xiri doonta Dirdhabo iyo Jigjiga, ayaa wakaaladda wararka ee Shinwa u sheegay in shirkadooda oo lagu magacaabo Shirkadda Dhismaha ee Shiinaha ay dhisi doonto 103 KM oo laami ah oo lagu dhameynayo muddo ku siman sadex sano.

Mashruuca dhismaha waddadan ayaa la filayaa in ay xal u noqon doonto dhibaatooyinka dhanka isu socodka gaadiidka ee ka jira gobolka ismaamulka Soomaalida ee ku yaalla Bariga Itoobiya.

“Waddadani aad bey ugu tahay isku xirka gobolka Soomaalida iyo Itoobiya inteeda kale” ayuu yiri Li Zhiyuan.

Samson Mamo, u qeybsanaha dhinaca warbaahinta ee hay’adda Dhismaha Wadooyinka ee Itoobiya ayaa sheegay in Shiinuhu uu aad u maalgeliyay Itoobiya taas oo sababtay kobaca dhaqaalaha ee ay Itoobiya sameysay 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

“Shirkadaha dhismaha wadooyinka ee Shiinuhu waxa ay aad diiradda u saareen dhismaha wadooyinka Itoobiya taas oo sabab u noqotay horumarka dhanka dhaqaalaha ee ay Itoobiya ku tallaabsatay” ayuu yiri Mamo oo intaasi ku daray “Marka loo eego qorsheheenna ku aadan dhismaha wadooyinka, qandaraaslayaasha Shiinuhu door weyn ayey ka ciyaareen [horumarka], iyagoo sidoo kale Tiknoolajiyada siiyaan shaqaalaha gudaha”.

AwKutub News

Advertisements

One comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s