Geeska Africa Wararka

WAR DEG DEG AH : Madaxweynaha Kenya oo sheegay in lasoo afjaray howlgalkii hotelka

Madaxweynaha dalaka Kenya Uhuru Kenyatta oo shir jaraa’`id waxyar ka hor qabtay ayaa shaaca ka qaaday in lasoo afjaray howlgalkii hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi kaas oo ay shalay casarkii soo weerareen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Uhuru ayaa sheegay in la wada dilay dhammaan raggii ka dagaallamayay gudaha hotelka islamarkaana iminka la wado xaqiijinta xarunta lagu dagaallamay.

14 ruux ayuu sheegay in ay ilaa iyo iminka hayaan xaqiiqda geeridooda, laakiin waxa uu muujiyay in ey dhici karto in khasaaraha dhimasho uu inta kasii bato.

Waxa uu sheegay in ay jiraan dhaawacyo badan kuwaas oo uu u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ugaarsan doonaan cidwalba oo weerarkan ku lug leh, ugana dabatagayaan meel kasta.

Waxa uu u sheegay muwaadiniinta reer Kenya iyo booqashayaashaba in ay amaan ku yihiin dalka Kenya.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s