Geeska Africa Wararka

Wararkii U Dambeeyay Ee Weerarkii Magalada Nairobi

Abaarihii 6-dii aroornimo ee saaka ayaa waxaa qaraxyo iyo is-rasaasayn  laga maqlayey Hotel ku yaalla Bartamaha Nairobi, hal maalin kadib, markii ay Dagaalamayaal ka tirsan Xarakadda Alshabaab gudaha u galeen Dhismaha Hoteelkaasi.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Warbaahinta in ay Ciiddanka Ammaanka Kenya ku hawlan yihiin sidii ay u gaari lahaayeen gudaha Hoteelka kale ee Grosvenor oo ku dhex yaalla Dhismaha  weyn ee Hotelka Dusit Complex.

Saraakiisha ayaa sheegay inay ku sii siqayaan halka ay Dagaalamayaasha Alshabaab kaga sugayan yihiin Dabaqa 7-aad ee Dhismahaasi.

Wararka waxay sheegayaan inay Ciiddamo Shisheeye ah qeyb ka yihiin Hawlgalka lagu doonayo in Alshabaab looga saaro Dhismaha Hoteelka ay weli ka dhex dagaalamayaan.

Ilaa 50-qof ayaa la sheegay in saqdii dhexe ee xalay la soo badbaadiyey, kuwaasi oo muddo 10-saacadood ku xayirnaa dhismaha guud ee Hotelka Dusit Complex.
Inta badan dadka la soo badbaadiyey ayaa la sheegay inay ku go’doomeen Dabaqa 1-aad ee Dhismahaasi, waxayna qaarkooda gabaad ka dhigteen miisaska, kuraasta iyo qolalka Suuliyadda ee Dhismaha Hotelka ay ku xayirmeen.

Dhinaca kale, waxaa aad looga cabsi qabaa inay dad badan ku xaniban yihiin Dabaqa 7-aad, halkaasi oo aysan Ciiddanka Ammaanka Kenya weli gaarin Dabaqaasi, iyagoo iska caabin kala kulmayo Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s