Caalamka Wararka

Weerar lagu qaadi lahaa Aqalka Cad ee Maraykanka oo laga hortagay

Hay’adda Dembi-baarista Boliska Federalka Maraykanka ee FBI ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen nin ay magaciisa ku sheegeen Haasher Jalaal Taxib oo 21-jir ah, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu qorsheynayey weeraro uu la beegsado Dhismaha Aqalka Cad ee maagalladda Washington.

FBI-da waxay sheegeen inay Ninkaasi shalay ka soo qabteen duleedka magaalladda Atlanta ee Gobalka Joorjiya, xilli uu hub ku haystay gaarigiisa, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa kaloo Ninkaasi lagu eedeynayaa inuu doonayey inuu waxyeello ama burbur u geysto Dhismaha Aqalka Cad, isagoo adeegsanaya Rasaas ama waxyaabaha qarxa.

Boliska waxay sheegeen inay ninkaasi ku raad joogeen tan iyo bishii Maarso ee sannadkii hore , kadib, markii ay dad la shaqeeya Hay’addaha Ammanka Maraykanka u soo far-muuqeen.

Haasher Jalaal Taxib

Haasher Jalaal Taxib ayaa la sheegay inuu doonayey inuu magacisa bedesho, si uu u helo Baasaboor uu qorsheynayey inuu kaga dhoofo dalka Maraykanka, si uu ugu biiro Kooxaha Islaamiyiinta ka dagaalanta dalalak Syria iyo Iraq.

Sidoo kale, FBI-du waxay sheegeen inuu Haasher Jalaal Taxib u sheegay Ilo ka tirsan Hay’addaasi inuu Dagaalka Jihaadka yahay  dhimashadad ugu baahsan Islaamka iyo qiimaha Islaamka.

Si kastaba ha ahaatee, lama sheegin Xilliga la soo maxkmaadeyn doono Haasher Jalaal.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s